*Magnify*
SPONSORED LINKS
Printed from https://www.writing.com/main/view_item/item_id/2218067-Puntland-iyo-Dowlada-dhexe
Rated: E · Article · Community · #2218067
Puntland ma khilaafka kala dhaxeyo dowlada dhexe mise carona virus ayey u dideen ardayda.
Puntland ma khilaafka kala dhaxeyo dowlada dhexe mise carona virus ayeey u diiday ardayda waxkabarata Ethiopia in deegaanadeeda eey soo galaan?.

24 march go'aan eey soo saartay wasaarada Seyniska iyo tacliinta sare ee Ethiopia iyadoo tixgelineeysa amarka wasaarada caafimaadka ee Ethiopia ee ahaa in dhamaan la xero goobaha waxbarashada sida kuwa dowliga ah oo eey ardaydu ku xareysanyihiin iyo kuwa peivate-ka ah si looga hortago faafitaan horleh oo covid 19 ah ayaa waxaa dhamaan albaabada la isugu dhuftay xarumihii waxbarashada iyadoo ardaydane lagu amray in eey ku laabtaan deegaanadooda mudo seddax cisho gudahood ah.


Ardayda Somalida ah ee katimid deeganada Somaliland iyo dowlada dhexe iyo Puntland oo isku dhinac ah ayaa waxaa soo wajahay culeys aad u daran,
maadaama Somaliland eey sheegtay in xuduudaheeda eey xireyso 26 March.


Safaarada Somaliland ee Ethiopia ayaa dhamaan ardaydooda waxa eey ku amreen in eey safaarada ku imaadaan mudo laba cisho ah si iyagoo wadar ah Hargeysa loogeeyo safaarada ayaana Buses Hargeisa ogu qaaday ardaydooda si nabad ah.

Ardaydii kale ee dowlada Dhexe soo dirtay iyo kuwa Puntland oo gaar ah ayaa waxa eey laxariireen safaarada Somaaliya ee Addis ababa, safaarada ayaa ardayda u sheegtay in aaneey waxba u qaban karin arday walbane waajib eey ku tahay in uu wadanka sii joogo, hadii eey baxaanne aaneey damaanad qaadeyn soo laabashadooda.

Ardayda somalida ah ayaa koox koox iskula xariiray maadaama jaamacadihii wadanka laga soo saaray waxa eeyna usoo hayaameen Somaliland inkastoo aanu jirin duulimaadyo caalimi ah, kolkii eey soo gaareen xaduuda Somaliland iyo Ethiopia ee wajaaale, somaliland ayaa ardayda ku amartay in eey laabtaan maadaama xuduudahoodu xeranyihiin maalintii labaad iyagoo intaa u raaciyey in aaney aheyn muwaadiniin reer Somaliland ah sidaasi daraadeedne aaney ka talaabi karin xuduudooda.

Xariiro kala duwan oo eey lasameeyeen ciidamada ilaala xuduudaha somaliland madaxda socdaalka iyo jinsiyadaha maamulkaas ayaa waxaa ardaydii loo ogolaaday in xuduuda loo furo iyadoo la hubinayo xaaladooda caafimaad.

Ardayda oo aan joojin socdaalkooda ayaa usoo jiheystay dhanka maamulka puntland iyadoo markii eey soo gaareen magaalada laascaanood ee gobolka sool lagu wargaliyey in puntland eey xiratay xuduudooda tukaraq ee somaliland iyo puntland eey wadaagan oo laascaanood u jirta qiyaastii 50km iyagoo hada maalintii shanaad ku sugan ardaydaas laascaano.

Dadaalo dhowr ah oo eey ardaydu la sameeyeen maamulka puntland iyo dowlada dhexe ayaa puntland waxa eey ku adkeesteen in xuduudahooda aaneey u fureyn ardayda iyo cid kasta oo dooneysa in eey u soo gudbaan, dowlada dhexane waxa eey u sheegtay ardaydaas in dowladu aaneey waxba u qaban karin.
Waana uur ku taalo dhibaatadeeda wadato ah oo lagula kacay arday wadan cadaw nagu ah gudihiisa wax ku barata.

Iyadoona eey salka ku heyso dhibaatadaan sida aan kasoo xigtay illo lagu kalsoonyahay khilaaf dhanka waxbarashada ah ee u dhaxeeyo Puntland iyo dowlada Federaalka ah.
© Copyright 2020 Moha Bashir (mohabashir at Writing.Com). All rights reserved.
Writing.Com, its affiliates and syndicates have been granted non-exclusive rights to display this work.
Log in to Leave Feedback
Username:
Password: <Show>
Not a Member?
Signup right now, for free!
All accounts include:
*Bullet* FREE Email @Writing.Com!
*Bullet* FREE Portfolio Services!
Printed from https://www.writing.com/main/view_item/item_id/2218067-Puntland-iyo-Dowlada-dhexe